DEG-DEG: Kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay Saxiixeedii 2-aad Ee January Yerry Mina Ayay Kooxdiisa Kala Heshiisay, Imisa Ayuu Saxiixayaa, Waana Imisa Lacagta Lagu Bur-Burin Karo Heshiiskiisa

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay kooxda Palmeiras kala heshiisay qiimaha xiddiga daafaca uga ciyaara ee reer Colombia ee Yerry Mina.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano iyo bar ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

23 jirkan oo ay kooxda Barcelona ka soo bixisay lacag dhan 11.8 milyan euro ayaa lacagta heshiiskiisa lagu bur-burinayo laga dhigi doonaa 100 milyan oo euro.

Mina ayaa noqon doona saxiixa 2-aad ee kooxda Barcelona ee bisha January isaga oo uu ka horeeyay Philippe Coutinho oo isniintii si Rasmi ah loo soo bandhigay.

 

Xiddigan ayaa daafaca Barcelona ka badali doona daafaca reer Argentine ee Javier Marcherano kaas oo kooxda ka tagi doona isla marka heshiiska Mina la dhamaystiro.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply