DEG-DEG: Harry Kane Oo Loo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii December & Xiddig Oo Bar-Bareeyay Rikoor U Yaalay Steven Gerard

Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa bishii December ee horyaalka Premie league.

Harry Kane ayaa bar-bareeyay rikoor uu Steven Gerard u dhigay Premier league oo in uu abaalmarinta bisha ku guulaystay 6 jeer wakhtigiisii Liverpool.

24 jirkan reer England ayaa dhaliyay 6 gool bishii December  isaga oo laba saddexley ka dhaliyay kooxaha Burnley iyo Southampton isaga oo dhaliyay goolkiisii 39-aad ee sanadkii 2017 ee premier league.

Taas ayaa Harry Kane ka caawisay in uu la bar-bareeyo halyeeyga Liverpool ee Gerard kaas oo 6 jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican bisha horyaalka premier league.

 

Kane ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddigaha Marcos Alonso,Marko Arnautovic,Roberto Firmino,Mohamed Salah,Jesse Lingard,Riyad Mahrez iyo Nicolas Otamendi.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply