DEG-DEG: Daafaca Kooxda Barcelona Ee Nelson Semedo Oo Laga Reebay Kulanka Sociedad Ee Maanta, Maxa Haleelay

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Nelson Semedo ayaa gabi ahaan laga reebay liiska xiddigaha kooxda Barcelona ee caawa la ciyaari doona kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 19-aad.

Xiddigan ayuu soo wajahay Virus kaga dhacay qanjaha taas oo keentay in uu u safri waayo garoonka kooxda Real Sociedad si uu kulanka uga qayb qaato.

Tababare Ernesto Valverde ayaa booskiisa u yeeray xiddiga Alexis Vidal kaas oo qarka u saarn in uu ka tago kooxda Barcelona xilli uu ku dhaw yahay Atletico Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa sii dheeraysan karta dhibcaha ay ku hayso hogaanka kadib markii ay Atletico Madrid cadaadis saartay kadib guushii ay gaartay.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa looga baahan yahay taxadar dheeraad ah maadama garoonka kooxda Real Sociedad uu yahay mid ku adag Barcelona.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply