DEG-DEG: Chelsea Oo Dhaawac Muruqa U Muuqda Ku Wayday Kabtankeeda Gary Cahil & Xiddiga Oo Seegi Kara Kulamo Uu Ka Mid Yahay Kulanka Barcelona

Kooxda chelsea ayaa la kulantay dhabar jab kadib markii dhaawac muruqa ah looga saaray xiddiga daafaca uga ciyaara ee Gary Cahil qaybtii hore ee kulanka ay haatan la ciyaarayso kooxda Leicester city.

Kabtanka Blues ee 32 jirka ah ayaa lagu badalay xiddiga da,yarka ah ee Andreas Christensen kadib markii uu Cahil dhaawac soo gaaray ciyaarta oo 30 daqiiqo socota.

Andreas Christensen ayaa la soo galiyay ciyaarta wakhti ka horaysa wakhtigii la qorsheeyay si uu badal ugu noqdo Cahil xilli uu haatan khatar ugu jiro in uu seego kulanka champions league ee Barcelona.

Daafaca reer England ayaa laga yaabaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 6 todobaad ah hadii uu dhaawacu muruqa noqdo sida uu u muuqday.

Taas ayaa la macno ah in uu kabtanka chelsea seegi doono kulanka FA Cup-ka ee lugta 2-aad ay la ciyaari doonto kooxda Norwich iyo waliba kulanka lugta 2-aad ee Semi-finalka ay la ciyaari doonto Arsenal.

Intaas waxa sii dheer in uu daafaca khabiirka ah seegi karo kulamada premier league ee Brighton, Bournemouth, Watford Iyo West Brom Iyo waliba lugta 1-aad ee kulanka champions league ee Barcelona.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply