DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Diiday Dalabkii 2-aad Ee Ay Arsenal Ka Gudbisay Saxiixa Aubameyang

Borussia Dortmund ayaa diiday dalab lacageed oo ka badan 50 milyan oo euro oo ay kooxda Arsenal ku doonaysay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda reer Germany ee Pierre-Emerick Aubameyang, sida laga soo xigtay Sky.

Arsenal ayaa doonaysa in ay xoojiso weerarkeeda kadib markii uu Alexis Sanchez ka tagay kooxda kuna biiray kooxda Man United Isniintii la soo dhaafay.

Dalabkan ayaa ah midkii 2-aad ee ay Arsenal ka gudbiso adeega weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo isna doonaya in uu u soo dhaqaaqo Premier league.

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay heshiiska ka qayb dhigto weeraryahanka Olivier Giroud laakiin kooxda reer Germany ayaa doonaysa lacag kaas ah oo dhan 65 milyan oo euro.

Arsenal ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaartay weeraryahanka waxana uu heshiisku khatar ugu jiraa in uu dib u dhoco ilaa xagaaga dambe.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply