DEG-DEG: Alexis Sanchez Oo Laga Reebay Kooxda Maanta La Ciyaari Doonta Bournemouth & Kooxda Ugu Cad-Cad Ee Uu Xiddigu Boorsooyinkiisa U Qaadanayo

Xiddiga Alexis Sanchez ayaan la safrin xiddigaha kale ee kooxda Arsenal ee safarka maanta ku tagaya Bournemouth sida ay sheegayaan wararku.

Talaabadaas ayaa muujinaysa in ka tagitaanka xiddigan uu aad u dhaw yahay iyada oo kooxda Man United haatan tahay kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga.

Waxa la fahamsan yahay in ay United diyaar la tahay lacag dhan 30 milyan oo euro iyo waliba mushahar waali ah oo dhan 400 kun oo Gin.

Wakiilada Sanchez ayaa sidoo kale heli doonta lacag fiican oo dhan 5 milyan oo euro taas oo ah sababta ay City uga hartay baacsiga xiddiga.

Xiddiga reer Chile ayaa tababarka la qaatay xiddigaha kooxdiisa sabtidii mana dhaawacnay waxana uu maqnaanshihiisu la macno yahay in uu xiddiga tagayo.

Xiddigaha Arsenal ayaa rumaysan in Sanchez uu ku sii jeedo Garoonka Old Trafford maalmaha yar ee soo socda.

Sanchez oo 29 jir ah ayay kaliya 6 bilood ka harsan yihiin heshiiskiisa Arsenal waxana uu diiday in uu Arsenal heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

Arsenal ayaa dhankeeda ku dhaw xiddiga reer Brazil ee Malcom kaas oo ay kala soo wareegi doonto kooxda Bordeaux diyaarna la ah lacag dhan 45 milyan oo euro.

United ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay heshiiska xiddigan raaciso xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan kaas oo u muuqda mid aan mustaqbal ku lahayn Old Trafford.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply