Db U Eegid: Daafaca Liverpool Ee Ragnar Klavan Oo Taariikh Ka Dhigay Horyaalka Premier League

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 21-aaad kulan ka dhacay garoonka Turf Moor.

Liverpool ayuu goolka guusha u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ragnar Klavan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho saddex dhibcood oo muhiim ah.

Ragnar Klavan ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier league kadib goolkii uu kooxdiisa Liverpool ugu hibeeyay dhibcaha ciyaarta.

Xiddiga reer Estonia ee Klavan ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda dalka Estonia goolna ka dhaliya horyaalka Premier league.

Sidoo kale Dalka Estonai ayaa noqday dalkii 97-aad ee adduunka oo dhan ah gool-na ka dhaliya taariikhda horyaalka Premier league.

Halka uu sidoo kale Ragnar Klavan noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda dalka Estonia ee gool u dhaliya taariikhda kooxda Liverpool.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply