Daraasad: Pep Guardiola Oo Zinedine Zidane Ku Garaacay Tababaraha Ugu Fiican Adduunka & Tababarayaasha Kale Ee Kaalmaha Hore Ka Galay

Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay Comunicar es Ganar,Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa dhigiisa Real Madrid ee Zinedine Zidane ka qaaday tababaraha ugu fiican adduunka.

Tababaraha Man City ayaa helay (78.4 / 100 Dhibcood) isaga oo uu ku xigo tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri kaas oo helay (77.5 / 100 Dhibcood), Halka uu Zidane Helay (74.9 / 100 Dhibcood).

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa galay kaalinta 6-aad halka tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde galay kaalinta 9-aad xilli Tabbaarayaasha xulalka Spain iyo Belguim ee Julen Lopetegui Iyo Roberto Martinez ay kala galeen kaalmaha 10-aad iyo 16-aad.

Hadii aynu eegno tababarayasha La Liga waxa kaalmaha hore galay tababarayaasha kala ah  Zidane, Simeone, Valverde, Marcelino Iyo Eusebio .

Liiska oo ku dhamaada tababaraha kooxda Malaga ee Jose Gonzalez ayaa kala kaydka halka sidoo kale tababaraha Levante ee Juan Ramon Lopez Muniz iyo tababaraha Deportivo ee Cristobal Parralo iyo Javier Calleja ay galeen kaalinta 17-aad.

Daraasadan ayaan kaliya qiimayn guulaha ciyaaraha laakiin waxa ay sidoo kale qiimaysay hab dhaqanka tababarayaasha iyo awooda ay ku leeyihiin bulshada.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply