WARBIXIN: Daniel Sturridge,Olivier Giroud,David Luiz & 9 Xiddig Oo U Baahan In Ay Kooxo Cusub Ku Biiraan Maalmaha Ugu Dambeeya Suuqa Si Ay U Badbaadiyaan Rajadooda Koobka Adduunka

Xiritaankii suuqa January ayaan ahayn mid aad u fog laakiin waxa hadhay wakhti fiican oo wax yaabo badan lagu qabsan karo laguna dhamayn karo heshiisyo badan.

Kooxaha qaar ayaa suuqa ugu jira xiddigo cusub si ay ugu tartamaan koobab halka qaar kale ay suuqa ugu jiraan xiddigo cusub si ay uga caawiyaan in ayna horyaaladooda ka harin.

Dhanka kale waxa jira xiddigo isha ku haya koobka adduunka ee xagaaga kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaari karaan inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Waxa jira xiddigo ay ku biiritaanka koox ay joogto ugu ciyaari karaan tahay fursada ay ku badbaadin karaan rajadooda koobka adduuunka.

Hadaba waxa aan warbixintan kus oo bandhigi doonaa 9 xiddig oo raadin doona in ay kooxohooda haatan ka tagaan si ay boos uga raadsadaan xulalkooda koobka adduunka:

Daniel Sturridge (Liverpool & England): Sturridge ayaa weerarka England hogaaminayay koobkii adduunak ee ugu dambeeyay laakiin wax weyn ayaa is badalay 4-tii sano ee ugu dambaysay, xiddigan ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Jurgen Klopp isaga oo si aad ah ugu baahan in uu ka tago kooxda Kooxaha Inter,Sevilla iyo West Ham ayaa isku baacsanaya xiddiga.

Olivier Giroud (Arsenal & France): Xiddiga reer France ayaa u muuqday mid ku biiraya kooxda Everton xgaagii laakiin waxa uu doorbiday in uu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa, Fursadaha Giroud ayaa ayaa aad u yaraaday tan iyo markaas isaga oo kaydka iyo kulamada koobabka u ciyaara kooxdiisa, waxa lala xiriirinayaa kooxda Borussia Dortmund halka ay sidoo kale Chelsea si lama filaan ah xiiso ugu muujisay.

Mateo Kovacic (Real Madrid & Croatia): Xiddigan ayaa mar ka mid ahaa xiddigaha ugu mustaqbalka fiican ee u soo kacaya Croatia laakiin xiddigan ayaan si fiican uga soo muuqan kooxda Real Madrid, Xiddiga ayaa ka dambeeya xiddigaha ruug cadaaga ah ee ee Modric iyo Kroos waxana uu si aad ah u doonayaa in uu u dhaqaaqo koox uu joogto ugu ciyaaro waxana lala xiriirinayay premier league.

Michy Batshuayi (Chelsea & Belgium): Xiddiga reer Belguim ayaanay ugu shaqayn sidii uu qorshaynayay xiddigan ayaa yimid Blues isaga oo ah xiddigaha ugu fiican horyaalka France laakiin waxa uu kalsooni iyo boos joogto ah ka waayay Antonio Conte, waxa ay u badantahay in uu xiddigan ka tago chelsea hadii ay weeraryahan cusub la soo saxiixdaan bishan.

Gerard Deulofeu (Barcelona & Spain): Waa Xiddig kale oo laga filayay wax weyn laakiin Deulofeu ayaan ka soo bixin wixii laga filayay, Xiddigan ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay Barcelona xagaagii laakiin waxa uu noqon waayay heerkii uu Tababare Ernesto Valverde filayay,Deulofeu ayaa qaab cajiib ah ku qaatay kooxda Ac Milan xilli ciyaareedkii hore waxana la sheegayaa in uu ku sii jeedo horyaalka Italy.

Sergio Romero (Manchester United & Argentina): Romero ayay u badantahay in uu koox kale ku biiro ka hor inta uuna xirmin suuqa January, Goolhayaha reer Argentine ayaa dookha 2-aad u ah goolhayaha reer Spain ee David De Gea laakiin Jose Mourinho ayaa amaan ugu qubeeya waxana jira warar sheegaya in uu doonayo in uu kooxda United isaga tago si uu u badbaadiyo booskiisa goolhayaha 1-aad ee xulka qaranka Argentine.

Andre Schurrle (Borussia Dortmund & Germany): 4 sano ka hor xiddigii hore ee Kooxda chelsea ee Schurrle ayaa dhaliyay gool ka mid ah goolashii ay Germany ku xasuuqday xulka Brazil, haatana waxa uu si aad ah u doonayaa in uu amaah ugu tago koox uu si joogto ah ugu ciyaaro si uu u badbaadiyo fursadiisa koobka adduunka 27 jirkan ayaa si aad ah loola xiriirinayaa in uu ku soo laaban doono premier league bishan.

David Luiz (Chelsea & Brazil): Kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore Luiz ayaa iska waayay shaxda tababare Antonio Conte,Luiz ayay isku dheceen tababare Conte taas oo keentay in aanu xiddigan kulan horyaalka ah ku bilaaban ilaa bishii October, waa kabtanka 2-aad ee xulka qaranka Brazil laakiin loogama yeerin xulka tan ilaa xagaagii hore waxana uu Conte diidan yahay in uu xiddiga fasaxo ilaa uu badalkiisa helo.

Kevin Gameiro (Atletico Madrid & France): Shaki la,aan waa xiddig suuqa yaala oo koox cusub ku biiri kara maalamah ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga, Gameiro ayaa xiddig muhiim ah ka ahaa kooxda Sevilla waxana uu ku soo biiray kooxda Atletico Madrid halkaas oo uu mar walba ahaa dookha 2-aad, xiddigan ayaan si joogto ah ugu ciyaari doonin xulka France xitaa hadii uu koox kale ku biiro laakiin qaab ciyaareed fiican oo uu xilli ciyaareedka ku dhamaysto ayaa tababaraha France ku qasbi doona in uu ku daro qorshihiisa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply