Daniel Sturridge Oo Koox Italy Ah Isu Bandhigay , Hal Arin Darteed Ayuu Liveprool Uga Tagayaa .

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Italy ayaa sheegaya in weeraryahanka Liverpool ee Daniel Sturridge uu farsamdiisa u bandhigay kooxda Inter Milan si uu kala wareeggaan January ugu wareego.

Daniel Sturridge ayaa ka baqaya in uu iska waayo qaranka Ingiriiska ee ka qeyb galaya koobka aduunka ee xagaaga soo socda lagu qabanayo Russia

Laacibkaas 28 sano jirka ah ayaa xilli ciyaaredkaan u dhaliyay Liverpoool 3 gool halka sedex kalana uu sameeyay ka dib 14 kullan balse waxa uu garoonka ku jiray kaliya 514 daqiiqo

Bogga Italy Football ayaa sheegaya in hishiiska laacibkaas hore City iyo Chelsea ee kooxdiisa Liverpool uu dhacayo xagaaga 2019-ka balse Liverpool ma diideyso in ay ka faa`ideystaan qarashka ka soo galayo iibkiisa

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Daniel Sturridge uu xittaa ogal yahay in qaab amaah muddo 6 bil ah uu ugu soo ciyaaro kooxda Inter Milan si qarankiisa Ingiriiska uu boos uga helo

Inter waxaa haatan weeraryahanka buuxa u jooga Icardi balse Daniel Sturridge dhinacyo kala duwan ayay uga faa`ideysan karaan sida garabka midig ama bidix iyadoo la raacayo shaxda macalinka Spalletti ee 1.3.2.4

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply