Celta Vigo Vs Real Madrid : Kooxda Martida Loo Yahay Waa Ay Guul Dareysteen 6-dii Kullan Ee Ugu Dambeeyay Ee Ay Madrid Ka Hor Tageen

Kooxda Real Madrid u u safreysa garoonka kooxda Celta Vigo oo ay la soo ciyaarayana kullan ka tirsan wareegga 18-aad ee La Ligaha .

Real oo booska afaraad ku jirta ayaa baadi goobeysa guul ka dib guul daraddii El Clasico halka Celta Vigo oo ku jirta booska 11-aad dadaal u galayaan in ay joojiyaan qasaarinta dhibcaha
Xogta Kulanka

* Real waxa ay heleen laba dhibic sedexdii kullan ee ugu dambeeyay ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen xilli ciyaareedkaan ee La Ligaha , laba bar bar dhac iyo hal guulo darro ayay wataan kuwaasi oo yimid ka dib markii ay horay u badiyeen 13 kullan oo isku xigay .

* Celta Vigo waa ay guul dareysteen 6-dii kullan ee ugu dambeeyay ee isku xigay ee ay Real kaga hor tageen horyaalka , waxa ayna qaabileen 23 gool .

* Real wax guul ah ma gaarin sedexdii kullan ee ugu dambeeyay ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen , markii 4-aad ee ay fashilmeen waxa ay aheyd sanadkii 2008-da xilligaas oo sedex kulan laga badiyay hal kulanna ay galeen bar bar dhac

* Celta Vigo kaliya hal kullan ayay badiyeen 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay Real Madrid marti giliyeen waxa ayna guushaas dhacday bishii May sanadkii 2014-ta xilligaas oo ay laba gool ku garaaceen Real Madrid

* Real waxa uu Celta Vigo ka dhaliyay 15 gool 8-dii kullan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply