Barcelona Vs Levante : Kooxda Martida 53 Sano Ka Hor Ayaa Ugu Dambeeysay Guul La Ligaha Ay Kaga Gaaraan Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa marti gilineysa kooxda Levante oo marti ugu ah kullan ka tirsan wareegga 18-aad ee La Ligaha

Barca waxa ay doonayaan in ay badiyaan kulankaan si ay 9 dhibic uga sii sareeyaan kooxda baacsaneysa halka Levante dadaal u galayaan in ay ka fogaadaan mantiqadda loogu dhaadhaco heerka labaad waxa ayna haatan ku jiraan booska 16-aad

Xogta Kulanka

* Barcelona waxa ay kaliya guul dareysteen hal kullan 2-kii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay wajaheen Levante , waxa ay badiyeen 17 jeer halka afar kullanna ay galeen bar bar dhac waxa ayna guul daradaaas ay timid October sanadkii 1964-tii

* Levante kaliya hal guul ayay gaareen 7-dii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay xili ciyaareedkaan ku soo ciyaareen banaanka garonkooda , waxa ay bar bar dhac galeen 5 jeer halka hal kullan ay guul dareysteen

* Barcelona loogama badin Camp Nou 25 kii kullan ee ugu dambeeyay ee horuyaalka waxa ay illaa haatan badiyeen 21 jeer halka ay afar jeerna galeen bar bar dhac

* * Messi waxa ka shaqeeyay 25 gool 12-kii kullan ee ugu dambeeyay ee Levante ka hor tagay iyadoo horyaalka la joogo , waxa uu ka dhaliyay 15 gool halka 10 kale uu ku sameeyay

* Suarez waxa uu Lavente ku leeyahay 5 gool oo uu ka dhaliyay 5-dii kullan ee ugu dambeeyay ee uu horyaalka kaga hor tagay

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply