Barcelona Oo Lacag Faa,iido Ah Maalmaha Soo Socda 5 Xiddig Oo Ay iibinayso & Lacagaha Ay Ka Helayaan

Kooxda Barcelona ayaa ku kalsoon in ay lacago fiican ka heli doonto 5 xiddig oo ay iibinayso inta lagu guda jiro suuqa January si ay kooxdeeda u nadiifiso.

Wargayska Sport ee ka soo baxa Gobolka Catalonia ayaa sheegaca in ay jiraan 5 xiddig oo uu tababare Ernesto Valverde doonayo in uu kooxda ka diro inta lagu guda jiro suuqan.

Xiddigaha albaabka Camp Nou ka bixi doona ayaa kal ah Gerard Deulofeu,Arda Turan,Javier Mascherano,Alex Vidal iyo waliba Rafinha.

Lacagta ay doonayso ayaa in ay ku iibisyo ayaa isku gayl 66 milyan oo euro ku kacaysa halka ay lacagta ugu dambaysa ay heli doonto lacag dhan 60 Milyan oo euro.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay xiddigo ka dirto kooxdeeda kadib markii ay saxiix weyn samaysay suuqa January 145 milyan kula soo wareegtay Philippe Coutinho.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply