Bale Oo Ku Soo Wajahan United, Juventus Oo Wadahadalo L Furtay Bellerin, Liverpool Oo Doonaysa James Rodriguez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

Wacan oo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha aanu jecelnahay meel walba oo aad ka joogtaan dunida waxa aanu idinku salaamaynaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum warxamatulah.

Intaa kadib waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada adduunku ka qoraan wararka khuseeya ciyaaraha.

Suuqa kala iibsiga ayaa  si Rasmi ah uga furmay horyaalada yurub xilli kooxaha reer yurub ay suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Kooxda.com wax masuul ah kama ahan wararkan waxana xuquuqdooda leh wargaysyada ku hor xusan ee laga soo xigtay.

Xiddiga Real Madrid Gareth Bale ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay kooxdiisa inuu ku sii jeedo Manchester United (Daily Express).

Kooxda Juventus ayaa bilowday wadahadalada ay kooxda Arsenal uga doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Hector Bellerin (Daily Express).

Manchester United ayaa wadahadal la bilaabi doonta David de Gea si ay uga saxiixato heshiis cusub oo wakhti fog ah si ay meesha uga saaraan xiisaha Real Madrid ay u qabto xiddiga (Daily Telegraph).

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha Sevilla iyo Inter Milan (Daily Telegraph).

Alexis Sanchez ayaa noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda Britain isaga oo mushahar u qaadan doona 500 kun oo Gini todobaadkii (The Sun).

Kooxda Man City ayaa dalab lacageed oo dhan 23.5 milyan ka gudbin doonta saxiixa daafaca West Brom ee Janny Evans iyada oo waliba doonaysa in ay dhamaystirto maalmaha soo socda (The Sun).

Kooxda Liverpool ayaa diiday in ay Ben Woodburn u ogolaado in uu amaah ugu biiro kooxda Sunderland oo uu tababare u yahay tababarihii hore ee xulka qaranka Wales ee  Chris Coleman (The Sun).

Kooxda Manchester City ayaa kordhin doonta dadaalkeeda ay kula soo saxiixaneyso daafaca kooxda Real Sociedad ee Inigo Martinez (Daily Star).

Kooxda Liverpool ayaa diiday dalab ka yimid Sevilla oo ay amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedka ah ku doonaysay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Daniel Sturridge (Daily Mail).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid haatana amaahda kula jooga kooxda Bayern Munich ee James Rodriguez iyada oo u aragta badalka ugu haboon ee Philippe Coutinho (Don Balon)

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply