Arsene Wenger Oo Sheegay Halka Wado Ee Uu Alexis Sanchez Kaga Tagi Karo Kooxda, Wuu Sii Joogayaa Ayuu Taagan Yahay Hadii Ayna Midaasi Dhici

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in ayna Arsenal Alexis Sanchez u ogolaan doonin inta lagu guda jiro suuqa Januar ee bishan hadii ay hal arin dhici waydo.

Xiddiga reer chile ayaa kaliya bilo yar uga hareen heshiiskiisa haatan ee kooxda Arsenal waxana uu diiday in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo.

Alexis Sanchez oo si weyn loola xiriirinayo kooxaha man United iyo Man city ayaa loo sheegay in uuna kooxda ka tagayn hadii ay Arsenal heli waydo badalkiisa.

Man city ayaa hogaaminaysa baacasiga loogu jiro xiddiga reer chile xilli Man United o diyaar la ah 25 milyan iyo waliba xiddig ay ku soo biirtay baacsiga loogu jiro heshiiskiisa.

Xiddiga reer chile ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu sugo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu isaga tago kooxda si uu xor ugu biiro kooxda uu doono.

Xiddiga kooxda Monaco ee Thomas lemar iyo xiddiga kooxda Bordeaux Malcom ayaa ah xiddigaha hogaaminaya in ay badal u noqdaan Alexis Sanchez.

Iyada oo la waydiiyay in uu Alexis Sanchez sii joogi doono kooxda hadii badalkiisa la waayo ayuu wenger yiri”si fiican ayaad u xisaabtantay”.

“Miyaano wali helnay xiddig isaga la mid ah”Dhab ahaan maya.

“Waa xiddig cajiib ah hadii ay dhacdo, waa in aanu helno isku dheeli tirnaan kale kooxda”.

“Kama Shalaynayo hadii aanan xiddigaha siinin waxa ay doonayaan, oo ayna heshiis cusub saxiixayn”.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply