Arsenal Vs Chelsea : Kulamadii Ugu Dambeeyay Labada Koox Waxaa Marqaati Ka Ahaa Kaarka Cas.

Arsenal ayaa kullan adag waxa ay caawa ku marti gilinayaan kooxda Chelsea waana kullan adag oo aan lagu deg degi karin saadaashiisa

Chelsea haddii badiyaan kulankaan waxa ay Arsenal ka sara marayaan 10 dhibic waxa ayna haatan ku jiraan booska 3-aad iyaga oo leh 45 dhibic halka Arsenal leeyihiin 38 dhibic waxa ayna ku jiraan bosoka 6-aad

Arsenal waxaa shaki ku jiraa Ozil iyo Laurent Koscielny waxaana laga baqayaa in aysan safaneyn kulankaas halka Sead Kolasinac uu maqnaanayo laba todobaad xilli Aaron Ramsey, Olivier Giroud iyo Nacho Monreal ay dhaawacan yihiin

Xogta Kulanka

* Arsenal ayaa 3 gool iyo eber ku garaacday Chelsea xilli ciyaareedkii hore waxaana la joogay garoobkooda ,waxa ayna guushaas timid ka dib 5 kullan oo hore oo aysan Chelsea ku garaacin Emirates waxa ayna xilligaas aheyd natiijada sedex bar bar dhac iyo laba guul darro .

* Chelsea waa ay badiyeen 6 -dii kullan ee ugu dmabeeyay horyaalka ee ay garoonkooda ku ciyaareen

* 6 kaar oo casaan ayaa lagu qaatay 7-dii kullan ee ugu dambeeyay ee labada koox dhamaan tartamada xilli Chelsea min hal ciyaaryahan kaarka cas laga siiyay sedexdii kullan ee ugu dambeeyay

* Markii ugu dambeeyay ee Arsenal iyadoo la joogo horyaalka oo aysan ku hor kufin Chelsea hal xilli ciyaareed gudahiisa waxa ay aheyd xilli ciyaaredkii 2011/2012-ka xilligaas oo ay hal guul iyo hal bar bar dhac la gashay Chelsea halka markii ugu dambeeysay ee ay shabaqooda gool ka ilaalsadaan labada kullan ee xilli ciyaareedka iyaga oo Chelsea la ciyaaraya waxa ay aheyd 1998/1999-kii

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply