Arsenal Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Malcom & Tottenham Oo Ka Caawinaysa, Qaab Noocee Ah

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jiro soo xero galinta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bordeaux ee Malcom sida ay sheegayaan wararku.

Rajada Arsenal ee ku aadan inay soo xerogeliso Malcom ayaa sii fiicnaatay ka dib markii Tottenham ay isaga baxday tartankii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga sida ay ku warameyso Daily Star.

20 jirkaan ayaa soo jiitay xiisaha labada ee Waqooyiga London todobaadyadii la soo dhaafay waxana lagu heli karaa xiddigan lacag dhan 45 milyan oo euro inta lagu guda jiro suuqa January.

Laakiin Gunners, oo u aragtay bedelka Alexis Sanchez, ayaa u muuqda inay ugu cad-cad yihiin saxiixa xiddiga kadib markii ay kooxda ay xafiiltamaan isaga hartay baacsigiisa.

Malcom ayaa si weyn loola xiriirinayaa Gunners iyada oo doonaysa in ay ka dhigto badalka tooska ah ee Alexis Sanchez kaas oo laga yaabo in uu January ka tago kooxda Arsenal.

Warkan ayaa kalsooni sii galinaya Gunners oo xiddigan ka dhigatay bartilmaameedkooda ugu horeeya ee ay ku badalayaan booska Alexis Sanchez

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply