Arsenal Oo Ku Dhaw Dhamaystirka Xiddiga Badalka U Noqon Doona Alexis Sanchez

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaw yihiin xiddigii ay badalka uga dhigi lahaayeen xiddiga Alexis Sanchez kaas oo ku sii dhawaanaya in uu isaga tago kooxda xilli lala xiriirinayo kooxaha Man United iyo Man City inta lagu guda jiro suuqa January.

Arsenal ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato weeraryahanka Bordeaux Malcom kaas oo xor ka dhigi doona in uu Alexis Sanchez kooxda uu doono ku biiro inta lagu jiro January.

Manchester Evening News ayaa sheegeysa in Arsenal ay sii kordheyso kalsoonida ay ku qabaan inay Malcom oo 20 jir ah ay keento Emirates iyaga oo isku diyaarinaya bixitaanka Alexis Sanchez.

Sanchez oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan ayay Gunners ku rajo weyn tahay in ay ku iibiso ku dhawaad 25 milyan oo euro halkii ay xor ku waayi lahayd xagaaga dambe.

Man city ayaa doonaysay xiddigan ilaa xagaagii hore laakiin waxa la sheegayaa in ay haatan isaga baxday iyada oo ay Man United haatan ku dhawdahay saxiixiisa.

Ku soo biiritaanka Malcom ee Gunners ayaa Man United ka caawin doona helitaanka xiddiga Alexis Sanchez kaas oo ay u badantahay in uu isaga tago Arsenal.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply