Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa Bixitaanka Alexis Sanchez Ayaa Dalab 45 Milyan Ah Ka Gudbinaysa Malcom, Laakiin Halkee Ayuu Ka Gali Karaa Shaxda Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay iibiso Alexis Sanchez inta lagu jiro bishan kadib markii Arsene Wenger uu kaydka xiddiga xiddiga reer chile kulankii League cup-ka ee ay bar-baraha la galeen kooxda chelsea.

Dib u dhaca heshiiska uu Sanchez kuga tagayo ayuu dib u dhigayaa raadinta Arsenal ee badalkiisa waxana ay u calaamadsatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ee Bordeaux ee Malcom waxana ay ku doonaysaa 45 milyan oo euro.

20 jirka reer Brazil ee Malcom ayaa ka ciyaaray garabka midig ee weerarka waxana uu qaab cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Hadii uu Arsene Wenger ku ciyaarayo shaxda 3-4-3 waxa uu xiddigu ka ciyaari doonaa garabka midig ama bidix hadii uu ku ciyaarayo shaxda 4-2-3-1 waxa uu ka daba ciyaari karaa weerarka.

Malcom ayaa leh xirfad cajiib ah oo ay gasto ka mid tahay waliba isaga oo u isticmaala lugtiisa bidix waxana uu caawin fiican siin doonaa xiddiga Hector Bellerin.

Marka loo eego awooda ciyaareed ee xiddigan waxa sidoo kale ka faa,iidasan kara xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Xiddigan ayaa ilaa haatan 7 gool dhaliyay horyaalka France isaga oo la goolal ah xiddigaha ugu goolasha badan kooxda Arsenal ee Sanchez Iyo Lacazette.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Halka Uu Ka Gali Karo Shaxda Arsenal:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply