Antonio Conte Oo Sharaxay Go,aankii Uu Badalka Ugu Sameeyay Eden Hazard

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa sharaxaya sababta uu Eden Hazard uga bedelay daqiiqadii 58aad kulankii Leicester City.

Antonio Conte ayaa difaacay go’aankiisa ahaa in Eden Hazard garoonka ka saaro iyada oo 30 daqiiqo ka hadhsanayd kulankii ay bar-baraha 0/0 ah la gashay chelsea kooxda Leicester city.

Chelsea ayaa gashay bar-barihii 3-aad ee tartamada oo dhan iyada oo mari wayday kooxdii hore ee ku guulaystay horyaalka Premier league.

Hazard oo 6 gool dhaliyay horyaalka Premier league ayaa ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho kulanka ka hor inta aan daqiiqadii 58-aad lagu badalin Pedro.

Xiddiga reer Belguim ayaa 10 jeer badal lagu sameeyay xilli ciyaareedkan horyaalka isaga oo ah xiddiga ugu badan ee chelsea u ciyaara.

Markii wax laga waydiiyay go,aankii uu ku badalay Hazard iyo Cesc Fabregas ayuu Conte sharaxay”Waan arkayay waxa ay ahaayeen qaar aad u daalan”.

Conte ayaa sheegay in kooxdiisa saameeyay daal badan kadib kulankii League cup-ka ee ay bar-baraha la galeen kooxds Arsenal Arbacadii.

“Waxa aan U Malaynayaa xaqiiqdii in aanu ku dhibaatonay ciyaaristii kulankii Arsenal”ayuu yiri

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply