Ac Milan Oo Xiriir La Samaysay Saaka Kooxda Udinese, Xiddig Khadka Dhexe Ah Ayay Ka Doonayaan

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u direyso xiddiga kooxda Udinese ee Jakub Jankto, waxaana laga yaabaa inay amaah ku qaadato ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin.

Rossoneri ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer Czech, lakiin waxa loo maleynayaa inay u badan tahay inuu u dhaqaaqi doono Premier League.

Ciyaaryahanka ayaa sheegay inuusan joogi doonin Talyaaniga xirfadiisa oo dhan, waxaana lala xiriirinayay Arsenal iyo kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, Corriere dello Sport ayaa sheegeysa in uu saaka dhacay xiriir cusub oo dhex maray Diavolo iyo Zebrette oo kuna saabsan Janko.

Milan ayaan awoodin in ay xiddiga si toos ah ula wareegto bisha lakiin waxa ay rajeynayaan inay sameeyaan heshiis ay ku qaadanayaan amaah ka hor inta ayna toos ula wareegin xagaaga.

 

Waxa jira dookh kale oo horyaala Ac Milan waana Theo Walcott xilli uu wargaysku sheegayo in uu xiddiga heerka caalami ee dalka England uu aad u doonayo in uu ku biiro Rossoneri.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply