Ac Milan Oo Iska Diiday Saxiixa Rafinha & Sababta Dhabta Ah Ee Ay Ku Diiday Oo La Ogaaday

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Rafinha ayaa loo soo bandhigay kooxo waa weyn oo ka dhisan Serie A iyo kooxo kale oo Yurub ah.

Inter waxa ay haatan wadahadal la galeysaa FC Barcelona oo ku doonayso saxiixa xiddiga xilli ay ku doonayso heshiis amaah ah oo ay dhamaadka xilli ciyaareedka fursad u haysato in ay si toos ah kula wareegto.

AC Milan ayaa loo soo bandhigay ciyaaryahanka bishii August laakiin waxa ay go’aansatay inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka dhaawaca xiddiga dartii.

Rafinha ayaan ciyaarin tan iyo bishii April ee sannadkii hore, waxaana uu ku qarash gareeyey lixdii bilood ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan sidii uu ugu soo u noqon lahaa taam buuxa.

Inter ayaa ka war qabta in ciyaaryahanka ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda, islamarkaana uu doonayo in uu xaalada si dhaw u eego ka hor inta uuna go,aan gaarin.

Ac Milan ayaa dhanka kale go,aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddigan maadama ay ka cabsi qabeen in dhaawacayo saamayn ku yeesho la qabashadiisa Italy.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply