WARBIXIN: Xagee ayuu Coutinho kaga haboon yahay Shaxda Valverde Ee Barcelona?

Inkasta oo ay hogaanka u hayaan horyaalka La Liga sidoo kale joogaan wareega 16-ka ee tartanka champions league maamulka Barcelona ayaa awoodooda isugu geeyay suuqa January iyaga oo kooxda ku soo daray saxiix tayo leh oo ah xiddiga Philippe Coutinho inkastoo uusan weli cadeyn halka uu ku haboon.

Xilli uu Neymar haatan joogo Paris Saint-Germain badalkiisiina soo gaaray dhaawac uu la maqnaa muddo dheer Xiddiga reer Brazil ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad inkasta oo ay awoodi wayday in ay saxiixiisa hesho xagaagii.

Kooxda reer Liverpool ayaa qiimo sareeya dul dhigay saxiixa xiddiga kadib markii ay saxiixa Virgil Van Dijk ka bixiyeen lacag dhan 75 milyan oo euro.

Xagaagii Coutinho ayaa kooxda Liverpool riixay in ay Barcelona ka iibiso isaga oo warqada bixitaanka gudbiyay waxana ugu dambayn helay wixii uu doonayay isaga oo noqday xiddiga 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Imaanshaha Coutinho ayaa tababare Valverde siinaya dookhyo badan oo shaxda ah marka ay coutinho iyo Dembele taam noqdaan.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo bandhigi doonaa saddex qaab oo uu Phillippe Coutinho uga qayb gali karo shaxda Barcelona.

Khadka Dhexe 4-3-3:

Dookha 1-aad ayay u badantahay in ay noqoto nasinta Andres Iniesta iyada oo uu garabka ka ciyaari karo Dembele halka uu Coutinho khadka dhexe ka ciyaarayo.

Kabtanka Barcelona ayaa noqon doona muhiim kulamada champions league Markaas oo uuna Coutinho waxana uu Valverde ka faa,idsan karaa goolashiisa iyo weerarkiisa isaga oo khadka dhexe ka ciyaarsiinaya.

Dookha kale ayaa ah in uu Valverde ku ciyaaro shaxda 4-4-2 oo uu ku ciyaaray bilowgii xilli ciyaareedkan waxana uu shaxda guul ku gaaray kulankii El clasico ee December 23-keedii.

Khadka Dhexe 4-4-2:

Coutinho ayaa markan ka ciyaarayay weerarka dabadiisa isaga oo ka dambeeya xiddigaha Messi iyo Suarez kana garab ciyaaraya xiddigaha Iniesta, van Rakitic Iyo Paulinho.

Taas ayaa la macno ah in uu shaxda boos ka waayayo xiddiga da,yarka ah ee Dembele maadama labada weerarka ay ka ciyaarayaan xiddigaha Suarez iyo Messi.

Sidoo kale shaxda 4-3-3 ayaa suurtagal ah in uu Coutinho badal u noqo Neymar oo uu ka ciyaaro garabka weerarka halkaas oo uu ka ciyaaray wakhtigii uu joogay Liverpool.

Garabka Weerarka 4-3-3:

Gastiisa iyo xirfadiisa gool dhalin waliba goolasha meesha fog laga dhaliyo ayaa ka dhigi karta in uu ka ciyaaro garabka weerarka.

Mar kale taas ayaa la macno ah in uu Dembele kayd galo inkasta oo Saurez meesha laga saari karo Messi-na laga ciyaarsiin karo weerarka tooska ah.

imaatinka Coutinho ayaa haatan shaki galinaya mustaqbalka xiddigaha Aleix Vidal, Denis Suarez, Andre Gomes Iyo Gerard Deulofeu.

Mid,laba ama wax ka badan ayaa Arda Turan iyo Javier Mascherano u raaci kara albaabka kooxda inta lagu jiro suuqa January.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply