WARBIXIN: Heshiiska Uu Antoine Griezmann Ugu Biiri Karo Man Utd, Barcelona Ama Real Madrid Oo Bur-Burin Kara, Maxa Sabab U Noqon Kara?

Kooxaha Man United,Barcelona iyo Real Madrid ayaa gabi ahaanba isaga hari doona baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann sida laga soo xigtay Julien Laurens.

Antoine Griezmann

Julien Laurens ayaa aaminsan in ay kooxaha Man United,Barcelona iyo Real Madrid ay isaga hari doonaan baacsiga Antoine Griezmann hadii uu ku guuldareysto inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ​​ugu inta ka dhiman xilli ciyaareedka hadii ay noqoto kooxdiisa iyo xulka qarankiisa France-ba.

Saxafiga Julien Laurens ayaa sheegaya in mushahar uu 26 jirkan dhibaato ku noqon doono kooxaha doonaya hadii uuna dib u helin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Griezmann ayaa dhistay sumacad fiican isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican weerarka ka ciyaara adduunka Jose Mourinho ayaana doonayay in uu la saxiixdo ka hor inta uuna la saxiixan Romelu Lukaku.

Si kasta ha ahaatee waxa uu xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican xilli ay wali sii socdaan wararka la xiriirinaya in uu ka tagayo Atletico.

United, Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhamaantood la sheegay inay doonayaan inay Griezmann helaan saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lagu helayo lacag dhan 100 milyan oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, Laurens ayaa shaki ka muujiyay in kooxaha ku dul wareegaya diyaar u yihiin in ay miiska saaraan lacag dhan 400 oo kun oo Gini oo ah lacagta uu mushaharka u doonayo hadii uu ku fashilmo in uu qaab fiican soo bandhigo.

“Waxa uu ahaa mid aad ugu dhow inuu ka tago Atletico xagaagii lasoo dhaafay, laakiin wuu joogay waayo waxa uu daacad u noqday kooxda oo aan la soo saxiixan karin xiddig,sidaa darteed muu doonayn in uu kooxda ka tago, maadama ayna badalkiisa haysan inkasta oo ay Diego Costa haysteen”ayuu u sheega BBC Radio 5 Live.

“Haatan waxa ay u muuqataa mid Barcelona ugu cad-cadahay, inkasta oo aynan hubin in ay wali bixin doonaan 100 milyan si ay u helaan adeegiisa, inkasta oo ay Barcelona tahay meesha ugu cad-cad ee uu ku sii jeedo”.

“Inkastoo saaxiibkiisa Paul Pogba uu cadaadis badan ku hayo si uu u yimaado oo uu ugu biiro United halkaas oo uu ku dhowaa in uu ku biiro xagaaga lasoo dhaafay, sidaasi darteed waxaan filayaa in United ay tahay dookh u fiican isaga”.

“Waxa aan u malaynayaa in kooxda Real Madrid oo suuqa u gali doonta xiddigo waaweyn ay tahay dookh uu ku biiri karo, maadama ay haatan kooxaha isku magaalada ah wax iska iibsan karaan kadib heshiiskii Theo Hernandez”.

“Laakiin waa mid aad muhiim u ah hadii uuna qaab fiican soo bandhigin 6-da bilood ee xilli ciyaareedka ka hartay iyo koobka adduunka Russia kooxo badan ayaa ka laaban doona mushaharka uu doonayo maadama uu doonayo lacag badan, lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee 100 ayaa ah mid ay kooxuhu bixin karaan laakiin mushaharkiisa todobaadlaha ah oo dhan 400 oo kun todobaadkii ayaa ah lacag badan hadii uuna qaab fiican soo bandhigin qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan ama koobka adduunka sidaa darteed 6-da bilood ee soo socota waxa ay muhiim u tahay isaga”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply