Xiriirka Kubada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Saacdaha Soo Socda Go,aan Ka Soo Saari Doona Dhacdadii Uu Dani Carvajal Ku Qaatay Kaarka Digniinta Ah Ee Muranka Badan Dhalisay

Kooxda Real Madrid ayaa maanta ogaan doonta in ganaax kale dusha laga saaro xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Dani Carvajal kadib markii uu si ula kas ah u qaatay kaarka digniinta ah kulankii APOEL si uuna u seegin kulamada 16-ka kulankii.

Xiddiga ayaa ogaan u u habsaamiyay kubad kulankii APOEL isaga oo qaatay kaarkiisii 3-aad ee Wareega Group-yada iyada oo la macno ahayn in uu seego kulankii Borussia Dortmund si uu diyaar ugu noqdo wareega 16-ka ee tartanka.

Si kasta ha ahatee UEFA ayaa baaritaan ku furtay arintaas iyada oo hal kulan oo dheeraad ah ku dari karta ganaaxii uu xiddigu ku seegay kulankii Borussia Dortmund.

Gudida anshaha ee xiriirka UEFA ayaa la sheegayaa in ay saacadaha soo socda go,aan ka gaari doonto dhacdadan iyaga oo talaabo ka qaadi doona xiddiga.

Kooxda.com ayaa xusaysa in isla talaabadii uu Carvajal uu sameeyay xiddiga kooxda Barcelona ee Gerard Pique laakiin uuna wax talaabo ah kala kulmin dhinaca xiriirka UEFA.

Comments

comments

Leave a Reply