Xiddig Barcelona U Ciyaara Oo Ka Shalaynaya In Uu Barcelona Ka Doortay Real Madrid

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in xiddig u ciyaara kooxda Barcelona uu haatan ka shalaynayo in uu iska diiday Real Madrid kana doortay ku biirista kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararka.

Wargayska Don balon ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe ee André Gomes uu ka shalaynayo diidistii uu diiday Real Madrid kuna biiray Barcelona markii uu joogay kooxda Valencia.

Xiddiga reer Portugal ayaa gabi ahaanba ka baxay qorshaha tababare Ernesto Valverde taas oo ah wixii uu ka cabanayay tababarihii hore ee Luiz Enrique.

Wargayska ayaa intaa ku daray in sanadkii 2016 Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Pérez uu la hadlay André Gomes una sheegay rabitaanka aadka ah ee ay Real Madrid adeegiisa u qabto iyada oo tartan kala kulmaysay kooxda Barceona.

Laakiin xiddiga ayaa iska diiday Real Madrid isaga oo doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona oo tartan adag ugu jirtay adeegiisa.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigay taas oo keentay in uu la kulmo dhaleecayn aad u daran oo uu kala kulmay taageerayaasha iyo saxaafada.

Comments

comments

Leave a Reply