Xasaasi: Neymar Oo Talaabo U Qaaday Ku Soo Laabashada Dalka Spian

Neymar ayaa kaliya ku biiray kooxda Paris Saint-Germain isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kana tagay kooxda reer Spain ee Barcelona.

Laakiin waxa laga yaabaa in uu duba ka sii tagayo kooxda reer France isaga oo waliba ka tagi kara xagaaga sanadka 2019 sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Brazil ayaa si lama filaan ah uga tagay kooxda reer France-na ugu biiray lacag dhan 222 milyan euro taas oo ka dhigtay xididga abid ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Laakiin sida laga soo xiganayo wararka ka imanaya Spain xiddiga ayaa durba heshiis la meel dhigay kooxda Real Madrid.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in uu Neymar kooxda PSG kaliya sii joogi doona 18 bilood oo kaliya ka hor inta uuna ku soo laaban Spain.

Neymar ayaa si aad ah u doonaya in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or-ka waxana uu aaminsan yahay in uu fursad fiican ku helayo kooxda Real Madrid marka loo eego PSG.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply