Waxwalba Oo Aad U Baahantahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Champions Leageu Wareega 16-ka

isku aadka tartanka champions leageu wareegiisa 16-ka ayaa maanta la qaban doonaa iyada oo la filayo in ay ka soo baxaan kulamo xiiso leh.

Sababta xiisaha u yeelaysa xilli ciyaareedkan wareega 16-ka champions league ayaa ah in ay kooxo waaweyn oo ah reer yurub ku soo bexeen kaalmaha 2-aad taas oo la macno ah in ay isku dhici karaan kooxo waaweyn.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo gudbin doona wakhtiga,meesha aad kala socon karto,qaabka ay isugu dhici karaan iyo waxyaabo kale oo aad uga baahantahay isku aadka.

Waa Goorma Isku Aadku xagee ayaan lagu qaban doonaa isku aadka champions league?

Isku aadka ayaa dhici doona maanta oo isniin ah 2:00Pm duhurnimo ee saacada geesk Africa iyo 11:Am ee wakhtiga Switzerland waxana lagu qaban doonaa xarunta guud ee UEFA ee ku taala Nyon.

Halkee Ayaan Ka Heli Akhrisan Karaa isku aada champions league League?

Waxa aad ka Akhrisan kartaa Kooxda.com isla marka la dhamaystiro isku aadka adiga oo waliba heli doona warbixino xiiso leh oo ku saabsan isku aadka.

Kooxehee Isugu soo haray wareega 16-ka?

Group A – Manchester United, Basel

Group B – Paris Saint-Germain, Bayern Munich

Group C – Roma, Chelsea

Group D – Barcelona, Juventus

Group E – Liverpool, Sevilla

Group F – Manchester City, Shakhtar Donetsk

Group G – Besiktas, Porto

Group H – Tottenham, Real Madrid

Sidee Ayay Isugu Dhici Karaan Kooxuhu?

Waxa jiri doona laba pot kuwaas oo ay kala gali doonaan kooxaha ku soo baxay kaalinta 1-aad iyo kaalinta 2-aad, laba kooxood oo isku dal ka dhisan iskuma dhici karaan wareegan sidoo kale laba kooxood oo horay isku Group u soo noqday iskuma dhici karaa mar kale.

Pot 1: Manchester United, Paris Saint-Germain, Roma, Barcelona, Liverpool, Manchester City, Besiktas, Tottenham

Pot:2: Basel, Bayern Munich, Chelsea, Juventus, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Porto, Real Madrid

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply