WARBIXIN:Miyaa Tartanka Loogu Jiro Horyaalada Yurub Ugu Waaweyn La Go,aamiyay?

Waxa wali ka haray bilo badan dhamaadka xilli ciyaareedka, waxa sidoo kale haray kulamo badan oo la ciyaaro iyo dhibco badan oo lagu guulaysto iyo qaar kale oo la lumiyo,lama filaano laakiin wakhtiga ciida gaalada waxa ay u muuqataa in horyaalada ugu waaweyn yurub la go,aamiyay.

Horyaalada England,Spain,Germany iyo France 4 kooxood ayaa dhibco badan ka horeeya kooxaha a sida weyn  ugu loolamayaan horyaalkaas.

Manchester City, Barcelona, Bayern Munich Iyo Paris Saint-Germain ayaa qaab fiican soo bandhigay waxana ay dadaalkoodii abaalmarin ugu heelin in ay ugu sareeyaan horyaaladooda wakhtiga ciida gaalada.

El Clasico ayaa kooxda Ernesto Valverde siiyay 3 dhibcood oo kale taas oo ka dhigtay in ay 45 dhibcood ka helen 17 kulan oo ay ciyaareen iyaga oo 9 dhibcood ka horeeya kooxda ugu soo dhaw ee Atletico Madrid oo guuldaro la kulantay jimcihii.

Kooxda PSG ayaa si la mid ah 9 dhibcood ku haysa horyaalkeeda 19 kulan oo ay ciyaartay xilli kooxda Tababare Unai Emery heleen 50 dhhibcood iyaga oo ka horeeya kooxaha Monaco iyo Lyon oo isku dhibco ah kuwaas oo leh 41 dhibcood.

Dhanka Germany farqiga ayaaba intaas ka badan iyada oo kooxda Bayern Munich 11 dhibcood ka horaysay kooxda ku xigta ee Schalke.

Kooxaha kale ee reer Germany ayaa dhamaantood isku dhibco ah iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Schalke kuwaas oo kala ah Borussia Dortmund, Bayer Leverkusen, RB Leipzig Iyo Borussia Monchengladbach.

Premier League ayaa isugu leh fursadiisa ugu fiican hadii ay jirto koox durba horyaalka gacanta ku haysata waa kooxda Man city.

Kooxda Pep Guardiola ayaa kooxda Barcelona kula biirtay iyaga oo ah labada kooxood ee aan ilaa haatan guuldaro la kulmin horyaalaada iyada oo City kaliya hal kulan bar-baro la gashay Everton bishii August.

Taas ayaa la macno ah in ay si raaxo leh ugu fidhiyaan hogaanka horyaalka iyaga oo 13 dhibcood ka horeeya kooxda ugu soo dhaw oo ah Man United.

Halka Ugu saraysa horyaalka iyo waliba raaxo waa sida ay 4-taas kooxood ku gaareen ciida gaalada waxana ay haatan ugu cad-cad yihiin hanshada horyaalkooda.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply