WARBIXIN+Dib U Eegid: Mohamed Salah Oo Laba Rikoor Dhigay Kadib Markii Uu Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Africa Ee BBC-da

Xiddiga Liverpool ee Mohamed salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka Africa ee ay bixiso BB-cad kadib markii uu abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Sadio Mane,Victor Moses,Naby Keita iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Salah ayaa noqday xiddig 5-aad ee ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican Africa ee BBC-da kana soo jeeda dal carab afrikaan ah.

Aabaalmarintan ayaa salah ka dhigaysa xiddigii 5-aad ee ku guulaysan abaalmarinta kana soo jeeda dal carab african ah.

4 Xiddig ee ku guulaysiga abaalmarintan kaga horeeyay ayaa kala ah Mohamed Barakat oo ku guulaystay 2005,Mohamed Aboutrika oo ku guulaystay 2008,Yacine Brahimi oo ku guulaystay 2014 iyo Riyad Mahrez oo ku guulaystay 2016.

Salah ayaa sidoo kale noqday xiddigii 3-aad ee u dhashay dalka Masar kuna guulaysta abaalmarintan isaga oo ay ka horeeyeen xiddigaha Mohamed Barakat iyo Mohamed Aboutrika.

Xiddiga ayaa abaamarinta ku mutaystay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay xulka qarankiisa iyo kooxdiisa Liverpool kuna gaaray guulo muhiim ah.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply