WARBIXIN+Dib U Eegid: Cristiano Ronaldo Oo Bar-Bareeyay Rikoor U Yaalay Halyeeyga Kubada Cagta Ee Pele

Cristiano Ronaldo ayaa qaab cajiib ah ku soo muuqday tan iyo markii uu ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda champions league goolal dhaliya dhamaan wareega Group-yada.

Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan tartanka club world cup-ka ka hor intii uuna dhalin goolkii Al Jazira waxa uu la goolal ahaa xiddigaha Lionel Messi, Luis Suárez Iyo César Delgado kuwaas oo mid 5 gool dhaliyay tartanka.

Cristiano Ronaldo equal with Pelé

Kadib goolkii Al Jazira Ronaldo ayuu ka horeeyay kaliya Pele xilli uu halyeeyga reer Brazil tartanka ka qayb qaatay wakhtigiisii hore ee la oran jiray Intercontinental Cup.

Pele ayaa dhaliyay 7 gool oo tartanka ah finaladii 1962 iyo 1963 oo uu u ciyaarayay Kooxda Santos 5 gool waxa uu ka dhaliyay kooxda Benfica halka uu laba gool oo kale ka dhaliyay Inter Milan.

Ronaldo ayaa haatan la bar-bareeyay Pele taariikhda tartanka marka laga hadlayo markii tartanka la oran jiray magicii hore iyo midka haatan iyaga oo labada xiddig dhaliyeen min 7 gool.

Laakiin Pele ayay 5 kulan ku qaadatay in uu goolashaas dhaliyo halka ay cristiano Ronaldo ku qaatay 9 kulan in uu kulamadaas dhaliyo.

Goolasha Ronaldo Ee Tartanka Club World Cup-ka:

18/12/2008: Gamba Osaka 3 – Manchester United 5 (Cristiano: hal gool).

15/12/2016: América 0 – Real Madrid 2 (Cristiano: hal gool).

18/12/2016: Kashima Antlers 2 – Real Madrid 4 (Cristiano: saddex gool).

13/12/2017: Al Jazira 1 – Real Madrid 2 (Cristiano: hal gool).

16/12/2017: Gremio – Real Madrid (Cristiano: hal gool).

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply