WARBIXIN: Shan Sababood Oo Ay Tahay In Ay Man United Ugu Dhaqaaqdo Saxiixa Mesut Ozil

Xilli uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa jira warar badan oo xan ah kuna hareeraysan mustaqbalka Mesut Ozil ee kooxda Arsenal.

Sida xiddiga ay isku kooda yihiin ee Alexis Sanchez oo isna diirada u saaran kooxda Man city waxa ay u badantahay uuna kubad sameeyahan sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa haatan la fahamsan yahay in ay hogaaminayso baacsiga loogu jiro 29 jirkan reer German xilli suuqa January fooda inagu soo hayo.

Wakiilada xiddigan ayaa si aad ah u shaqaynaya iyaga oo doonaya in ay xiddiga u helaan koox ku fiican waliba mustaqbal fiican uu ku yeelan karo.

Taageerayaal badan oo United ayaa aaminsan in Xiddigii hore ee Real Madrid uu yahay xiddiga horay u wadi kara kooxda Jose Mourinho.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku soo gudbin doonaa Shan sababood oo ay United ugu dhaqaaqi karto saxiixa xiddigan:

Image result for ozil to United

1.Hal Abuur: Waxa jira xiddigo yar oo kubada cagta adduunka ah oo kubadaha ama caawin ka noqon kara goolal si joogto ah iyo waliba isaga oo ka dhex saari kara daafacyo adag sida Ozil oo kale, xilli ciyaareedkan horyaalka kaliya xiddigaha Kevin De Bruyne (47) iyo Cesc Fabregas (45) ayaa sameeyay baasas muhiim ah oo ka badan Ozil oo sameeyay (43), xiddiga man United ah ee ugu soo dhaw ee baasas muhiim ah dhiibay ayaa ah Henrikh Mkhitaryan (23).

2.Khibrad: Ozil ayaa ah 29 jir waxana uu leeyahay khirad cajiib ah iyo waliba wakhtigeedii ugu fiicnayd, Xiddigan ayaa door muhiim ah ka qaatay ku guulaysigii xulka qarankiisa ee koobka adduunka 2014 halka uu sidoo kale Real kula soo guulaystay horyaalka 3-dii snao ee uu joogay Bernabeu.

3.Dhiiri Galin: Xiddigan ayaa inta badan su,aal laga keenaa qaabkiisa isaga oo la sheego in uuna awoodiisa oo dhan bixin marka uu garoonka ku jiro, laakiin xiddigan ayaa dhaleecayntaa ka dhigta dhiiri galin isaga oo is joogto ah kooxdiisu ugu tiirsantahay waliba sameeya goolal badan iyo fursado badan.

4.Khibrad Premier league: Xiddigo kasta oo ay kooxda Man United doonayso oo aan ka ciyaarin premier league ah waxa uu shaki la,aan u baahan doonaa wakhti uu kula qabsado premier league, laakiin Ozil ayaa u baahan doonin wakhtigaas maadama uu 5 xilli ciyaareed soo ciyaaray horyaalka premier league, xiddigan ayaa ku lug lahaa 75 goo oo ay Arsenal dhalisay 128 kulan oo premier league ah tan iyo sanadkii 2013 waxana uu noqon doonaa awood ku soo biirtay United.

5.Saamaynta Jose Mourinho: Mourinho iyo Ozil ayaa ka soo wada shaqeeyay saddex sano oo ay wada joogeen kooxda Real Madrid, Ma Jiro tababare kale oo qaab ciyaareedka uu Jose Mourinho ka soo saaray Ozil horay uga soo saaray wakhtigii uu joogay Real, xiddigan reer Germany ayaa ahaa caawiyaha guud ee waraabinayay Real wakhtigiisii isaga isaga oo Caawiye ka noqday 81 gool oo ay dhaliyeen Ronald iyo Benzema 159 kulan oo uu u ciyaaray halka uu isna dhaliyay 27 gool.

Comments

comments

Leave a Reply