WARBIXIN: Ronaldo,Hazard & Coutinho Oo Hogaaminaya 10 Xiddig Oo Uu Paulinho Ka Goolal Badan Yahay Horyaalada Yurub

Imaatinka Paulinho ee kooxda Barcelona ayaa keenay muran badan oo ku aadan xiddiga iyada oo ay dad badan ku doodeen in ay Barcelona lacag khasaare ah ka bixisay xiddiga markii ay 40 milyan oo euro ka soo bixisay suuqii xagaag ee la soo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee markii la ciyaaray 16 kulan oo horyaalka La Liga ah xiddiga reer Brazil ayaa aamusiyay dadkii dhaleecaynayay saxiixiisa.

Xiddigan ayaa ah xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan kooxda Barcelona isaga oo ka dambeeya kaliya xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Paulinho ayaa shabaqa soo taabtay 6 gool oo horyaalka La Liga ah taas oo la macno ah in uu xiddigan beeniyay fikirkii ay dad badan ka qabeen saxiixiisa.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo bandhigi doonaa 10 xiddig oo waaweyn oo uu ka goolal badan yahay xiddiga reer Brazil inkasta oo uuna joogto ugu ciyaarin kooxda Barcelona.

  1. Arjen Robben (Bayern Munic) 3 gool
  2. Karim Benzema (Real Madrid) 2 gool
  3. Philippe Coutinho (Liverpool) 5 gool
  4. David Silva (Man City) 5 gool
  5. Mario Mandzukic (Juventus) 4 gool
  6. Eden Hazard (Chelsea) 5 gool
  7. Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 5 gool
  8. Alexis Sanchez (Arsenal) 4 Gool
  9. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 4 gool
  10. Angel Di Maria (PSG) 2 gool

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply