WARBIXIN: Mohamed Salah & Neymar Oo Hogaaminaya Saxiixyada Ugu Fiican Ee Xagaagii La Sameeyay, Yaa Ah Saxiixyada Ugu Xun?

Waxa dhamaaday qaybtii hore ee xilli ciyaareedka horyaalada ugu waaweyn yurub waxana ay xiddigihii xagaagii kooxaha kale ku biiray muujiyeen awoodohooda ciyaareed iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah dadkana tusay in aan la khasaarin lacagtii laga soo bixiyay halka xiddigo kale ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita oo niyad jab leh.

Marka laga hadlayo saxiixyadii ugu fiicnaa xagaaga waxa qasab ah in aynu soo hadal qaadno xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah kaas oo ay Reds ka soo bixsay lacag dhan 36 milayn oo euro xilli ay dad badan shaki galiyeen saxiixa xiddiga laakiin Salah ayaan u dhag dhigin dadkii ka shakisanaa awoodihiisa ciyaareed isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Salah ayaa ilaa haatan ah saxiixii ugu fiicnaa ee xagaaga ee horyaalada ugu waaweyn yurub isaga oo xitaa ka horeeya xiddiga ugu qaalisan adduunka ee Neymar kaas oo kooxda PSG ugu biiray lacag dhan 222 milyan euro.

Xiddiga reer Egypt ayaa dhaliyay 19 gool tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan halka uu Neymar dhaliyay 17 gool inkasta oo uu isagu ka ciyaaro horyaalka ka jilicsan midka premier league.

Image result for Neymar

Waxa jira saxiixyo kale oo guulaystay kuwaas oo uu ka mid yahay goolhayaha kooxda Man city ee Ederson kaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kyle Walker kaas oo amusiyay dadkii hadalka ka keenay qiimihii weynaa ee ay city ka bixisay adeegiisa sidoo kale Nemanja Matić oo Man United kaga soo biiray chelsea ayaa ah saxiix ay dad badan u arkaan saxiix lagu guulaystay.

Sidoo kale saxiixyada sida weyn loola dhacsan yahay ayaa ka mid ah xiddiga weerarka uga ciyaara man United ee Romelu Lukaku kaas oo qaab fiican soo bandhigay isaga oo dhaliyay 14 gool ilaa haatan tartamada oo dhan halka uu Morata ilaa haatan dhaliyay 10 gool.

Image result for Ederson

Waxa sidoo kale jirta heshiisyo aan si weyn loo hadal hayn laakiin lagu guulaystay oo uu ka mid yahay xiddiga kooxda Lyon ee Mariano kaas oo isna dhaliyay 14 gool oo tartamada oo dhan ah.

Dabcan waxa lagama maar-maan ah in aan la soo hadal qaadi waayin xiddiga Kylian Mbappé ee ay leedahay kooxda Monaco amaahdana kula jooga kooxda PSG xiddiga ayaa oofiyay filashadii dadka waxaa uu ilaa haatan dhaliyay 11 gool oo horyaalka ah sidoo kale waa in la soo hadal qaado xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Paulinho kaas oo si weyn loogu digtay Barcelona markii ay la soo saxiixatay laakiin waxa uu ka mid yahay saxiixyada ugu fiican ilaa haatan ee xagaagii la sameeyay kadib 6 gool oo uu dhaliyay inkasta oo uu khadka dhexe yahay.

Image result for ‫بونوتشي‬‎

Hadii aynu eegno saxiixyada lagu fashilmay waxa ugu horeeya xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé kaas oo uu dhaawac xun soo gaaray bilowgii xilli ciyaareedka sababna u noqday in uu garoonmada ka maqnaado muddo dheer waxa sidoo kale imanaya xiddiga kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ay Liverpool ka soo bixisay 35 milyan oo euro iyo daafaca kooxda Ac Milan ee Leonardo Bonucci kaas oo si lama filaan ah ugu biiray kooxda Barcelona.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply