WARBIXIN: Manchester derby Vs Merseyside derby: Derby-gee Xiiso Badan Leh

Maalinta Axada ayaa la daawan doonaa kulamo xiiso leh oo ka tirsan horyaalka Premier league waliba kulamo Derby ah Xilli kooxda Liverpool marti galin doonto Everton halka Man City safar gaaban ugu tagi doonto Man United.

Hadaba waxa aanu warbixintan ku eegi doonaa Derby-yada laga ciyaaro premier league iyo kuwa ugu xamaasada badan ee ka jira horyaalka.

Expect drama from this Super Sunday, with two massive local derbies

Hadii aad doonayso goolal iyo waliba ciyaara xamaasad leh Waxa aad daawataa kulanka u dhexeeya kooxaha Man city iyo Man United ee Manchester Derby.

Kooxaha Man City iyo Man United ayaa iska hor yimid 40 kulan premier league cusub waxana ay iska dhaliyeen 110 gool iyada oo ay cel-celis ahaan 2.8 gool dhaliyeen kulan kasta.

There's never a dull moment in the Manchester or Merseyside derbies

Dhanka kale Liverpool iyo Everton ayaa iska hor yimid 40 gool iyaga oo iska dhaliyay 115 gool iyaga oo cel-celis ahaan dhaliay 2.3 gool kulan kasta.

Xilli ay Liverpool ka awood badantahay EVerton wakhti xaadirkan waxa ay ka dhaliyeen 43 gool 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Everton ayaa dhankeeda soo gaabin doonta farqiga.

Inkasta oo loo yaqaano “Derby-ga saaxiibtinimada”marka loo eego isku dhawaanashaha qoysaska kala taageera labada kooxood hadana xiddigaha Liverpool iyo Everton ayaan isku naxariisan marka garoonka lagu jiro.

Arinta la yaabka leh ayaa in 50-kii kulan ee ay wada ciyaareen premier league la siiyay xiddigaha labada kooxood 21 casaan iyo waliba ku dhawaad 200 oo kaar digniin ah.

Dhanka Manchester Derby waxa kaliya la siiyay xiddigohooda 8 kaar oo casaan ah iyo 153 kaar oo digniniin ah 40-kii kulan ee ay wada ciyaareen.

Red cards and goals are the staple of Merseyside derbies down the years

Sanad ka hor Liverpool ayaa badisay labadii lugood ee premier league ee ay la ciyaartay Everton iyada oo garoonkeeda 3/1 ugu badisay halka ay kulankii kale 1/0 ugu badisay.

Both derbies tend to be feisty, goal-ridden affairs in the Premier League

Dhankal kale Man city ayaa 2/1 ku badisay kulankii Old Trafford halka ay 0/0 galeen kulankii ka dhacay garoonka Man city iyada oo kaarka cas loo taagay Marouane Fellaini.

Hadaba hadii aynu aragnay xilli ciyaareedkii hore iyo wixii dhacay bal aynu makhraati ka noqono kulamada todobaadkan ama Axada.

Comments

comments

Leave a Reply