WARBIXIN: Kaka, Pirlo, Totti, Alonso & Xiddigaha Waaweyn Ee Kubada Macasalaameeyay Sanadka 2017

Xilli ay saacado ka hareen in aynu macasalaamayno sanadka 2017 soona dhawayno sanadka cusub ee 2018 waxa aanu waxrbixintan ku soo badhigi doonaa xiddigaha kubada cagta ee ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2017.

Halyeyga kooxda Ac Milan ee Kaka Halyeeyga xulka qaranka Italy iyo kooxda Juventus ee Andrea Pirlo iyo Aabaha kooxda Roma ee  Francesco Totti ayaa dhamaantood iska siibay kabaha kubada cagta.

Kaka, Pirlo and Totti – Football greats who retired in 2017

Halyeeyga kooxda Bayern Munich ee Philipp Lahm xiddiga ay isku kooxda ahaayeen ee Xabi Alonso iyo halyeeyga kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa sidoo kale iska siibay kabaha.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo gudbin doonaa xiddigaha 12-kii bilood ee sanadka soo afjaray noloshooda garoomada:

KAKÁ:

Ballon d’Or, World Cup, Champions League, Serie A, LaLiga, Club World Cup, UEFA Super Cup, Copa Del Rey Iyo Supercoppa Italiana Kaka ayaa dhamaan ku guulaystay koobabka aynu soo sheegnay.

35 jirka ayaa in uu ciyaraha ka fariistay ku dhawaaqay bishii December kadib markii uu dhamaystay heshiiskii uu kula jiray kooxda Orlando City, kaka ayaa ku raaxaystay wakhti guul leh kadib markii uu Ac Milan kaga soo biiray kooxda Sao Paulo sanadkii 2013.

Waxa uu ahaa xiddigii ugu dambeeya ee ku guulaysta abaalmiarinta Ballon d’Or-ka ka hor inta ayan Ronaldo iyo Messi bilaabin in ay maamulaan abaalmarinta,xiddiga ayaa dhaliyay 29 gool 92 kulan oo uu u saftay xulka qarankiisa Brazil.

ANDREA PIRLO:

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe adduunka isaga oo noloshiisa garoomada ku soo qaatay muddo 22 sano ah isaga oo ciyaaraha ka fariistay bishii November.

Pirlo ayaa ku guulaystay Koobka adduunka 200 oo uu la qaaday xuka qaranka Italy waxana uu sidoo kale laba jeer ku guulaystay champions leageu oo uu la qaaday Ac Milan halka uu sidoo kale 6 horyaal Italy ah ku guulaystay,Xiddigan ayaa xulka qarankiisa u ciyaaray 116 kulan waxana uu u dhaliyay 13 gool

FRANCESCO TOTTI:

Wajiga Roma waa xiddigaha aadka u yar ee noloshooda u soo ciyaaray hal koox oo kaliya waana xiddig noloshiisa ku qaatay kooxda Roma.

Totti ayaa kooxdiisa Roma u saftay 786 kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo u dhaliyay 307 gool isaga oo hal horyaal kula guulaystay kooxdiisa.

40 jirkan ayaa macasalaamayntiisii noqotay midka ugu saamaynta badan isaga oo garoonka  Stadio Olimpico ku macasalaameeyay kooxdiisa.

Xiddigan oo koobka adduunka kula guulaystay xulka Italy ayaan koobab badan ku guulaysan noloshiisa ciyaareedkan laakiin waa xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan Italy isaga oo dhaliyay 250 gool.

PHILIPP LAHM:

Philipp Lahm ayaa ka mid ah daafacyada garbaha ka ciyaara ee ugu fiican ee soo mara kubada cagta kabtankii hore ee xulka qaranka Germany ayaa kubada cagta ka fariistay bishii May.

Xiddigan ayaa si raaxo leh uga fariistay kubada cagta isaga oo wakhti fiican ku soo xiray kubada kuna guulaystay 13 koob 8 horyalka Germany ah,6 koobka Germany ah iyo champions league waxana uu xulkiisa u saftay 113 kulan.

XABI ALONSO:

Xiddigii hore ee Spain ayaa xilli ciyaareedkiisii 18-aad kaga fariistay ciyaraha isaga oo kulankii ugu dambeeyay u ciyaaray kooxda Bayern Munich.

Xiddigan ayaa ku guulaystay koobabka 3 Bundesliga,2 LaLiga, UEFA Super Cup, FA Cup, Copa del Rey, DFB-Pokal, DFL-Supercup, Supercopa de Espana Iyo Community Shield.

Waxa uu ka mid ahaa xulkii Spain ee koobka adduuna iyo koobka yurub ku guulaystay sanadkii 2010.

FRANK LAMPARD:

Waa Mid Ka Mid ah xiddigaha Ugu fiican England waxana uu ciyaaraha sanadkiisii ugu dambeeyay ku qaatay dalka America gaar ahaan kooxda New York waxana uu ciyaaraha soo xiray bishii February.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ayaa ku soo guulaystay 3 Premier League,Champions league,4 FA Cup iyo 2 League cup waxa uu xulka qarankiisa u saftay 106 kulan waxana uu u dhaliyay 29 gool.

Waxa sidoo kale sanadka 2017 ciyaaraha ka fariistay: Dirk Kuyt, Víctor Valdés, Martin Demichelis, Álvaro Arbeloa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply