WARBIXIN: Edison Cavani Oo Hogaaminaya & Mohamed Salah Oo Messi Soo Qabtay, Maxa Iska Balay Tartanka Loogu Jiro Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Horyaalada Yurub

Xilli ciyaareedkan ayaa si aad ah uga duwan xilli ciyaareedyadii hore marka laga hadlayo tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee la siiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalada yurub.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ah xiddigaha ugu guulaysiga badan abaalmarintan iyaga oo min 4 jeer ku guulaystay laakiin tartanka loogu jiro abaalmarintan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore maadama ay u tartamayaan xiddigo badan oo kala duwan.

Mudo 9 sano ah abaalmarinta ayaa tagi karta xiddig aan ka ciyaarin horyaalka Spain xilli xiddigii ugu dambeeyay ee abaalmarintan ku guulaystay ee ka baxsan Spain uu ahaa Cristiano Ronaldo markii uu joogay Man United sanadkii 2008 sidoo kale Luis Suarez oo abaalmarintan ku guulaystay isaga oo jooga Liverpool 4 sano ka hor.

Abaalmarinta ayay ugu yaraan 7 xiddig u tartamayaan xilli ciyaareedkan iyaga oo uu hogaaminayo xiddiga kooxda PSG ee Edison Cavani kaas oo leh 18 gool oo uu ka dhaliyay horyaalka France.

Horyaalada 5-ta ah ee ugu waaweyn ayaa goolkiiba lagu qiimeeyaa laba dhibcood halka horyaalada kale goolkii lagu qiimeeyo hal dhibic iyo badh.

Image result for Cavani,salah and Messi

Hadaba halkan hoose kaga bogo xiddigaha isku baacsanaya abaalmarinta goolasha iyo dhibcaha ay leeyihiin:

  1. Edison Cavani (PSG) 18 gool- 36 dhibcood.
  2. Mauro Icardi (Inter Milan) 17 gool- 34 dhibcood.
  3. Ciro Immobile (Lazio) 15 gool- 30 dhibcood.
  4. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 15 gool- 30 dhibcood.
  5. Igor Angulo (Górnik Zabrze) 19 gool- 28.5 dhibcood.
  6. Radamel Falcoa (Monaco) 14 gool- 28 dhibcood
  7. Lionel Messi (Barcelona) 14 gool- 28 dhibcood
  8. Mohamed salah (Liverpool) 14 gool- 28 dhibcood
  9. Rauno Sappinen (Meistriliiga) 27 gool- 27 dhibcood.

Kooxda.com ayaa xusysa in xiddigaha Igor Angulo iyo Rauno Sappinen ka ciyaaraan horyaalka ka baxsan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn sidaa darteed goolka ay dhaliyaan waxa lagu qiimaynayaa hal dhibic iyo badh halka horyaalaada ugu waaweyn yurub halka gool lagu qiimaynayo 2 dhibcood oo buuxa.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply