Warbixin : 10-ka Hishiis Ee Ugu Weyn Suuqa Kala Iibsiga Ee Laga Yaabo In Ay Dhacaan Sanadka 2018-da ,Kooxdaada Yaa Uga Jira ?.

Sanadkaan dhamaaday ee 2017-ka waxaa sara u kacay qiimaha suuqeed ee ciyaartooyda xilli PSG ay qarash gareeyeen aduun kor u dhaafaya 400 oo milyan oo euro oo ay ku keeneen xiddigo ay ku jiraan Neymar iyo Kylian Mbappé .

Waxaa la filayaa in sanadka cusub ee 2018-da ay sii dhacaan hishiiyo noqon kara kuwa ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta waxa ayna u badan tahay in ay dhacaan hishiis qiimo ahaan ka sareeya midkii Neymar ee 222-ka milyan oo euro-da ahaa .

Hadaba waxa ay kooxda.comn idin soo xushay 10-ka hishiis ee ugu weyn ee la filayo in sanadka 2018-da ay dhacaan .

1- Griezmann oo u ciyaara Atletico Madrid waxa laga yaabaa in uu u wareego Barcelona ,hishiiska wiilkaas reer France ee Atletico ayaa dhacaya 2020-ka balse waxaa lagu bur burin karaa bisha dambe 250 milyan oo euro balse haddii la sugo illaa July waxa uu noqonayaa 100 milyan oo euro

2- Sanchez : waxa uu noqonaya xor marka gaaro June sanadka 2018-da , laacibkaas hore Barca ayaan dooneyn in hishiis cusub uu saxiixo waxaana aad u doonaya kooxaha Munich ,PSG iyo Inter Milan
3- Coutinho : Liverpool waxa ay xagaagii hore Barca ka diideen dalab 100 milyan oo euro ahaa , weli kooxdaas reer Camp Nou kama quusan saxiixiisa waxa ayna doonayaan in ay mar kale dalab ka geeyaan xilli PSG ayna ka mid yahay kooxaha doonaya maadaama wakiilkiisa ay kullan gaar ah la qaateen bishii October .

4- Dybala :inkastoo xagaagii hore uu kordhiyay hishiiskiisa Juventus uuna gaarsiiyay 2022-ka hadana waxaa dhawaan dib u soo cusboonaaday wararka sheegaya in uu baxayo ka dib qilaafaadka ka dhex aloosmay isaga iyo macalinkiisa Allegri , Dybala ayaan ku soo bilaaban sedexdii kullan ee ugu dambeeyay ee horyaalka waxaana haatan albaabada loo furay oo lala xariirinayaa kooxda Man United xilli Barcelona ay si dhab ah u dooneyso saxiixisa

5- Aubameyang : waxa sii xumaanaya xariirka kala dhaxeeya maamulka kooxda waxaana sanadkaan sii dhamaaday ee 2017-ka lagu riday dhowr ganaax sababo la xariira isaga oo ka soo dib dhacayay xerada tababarka iyo in uu iska socdaalay bilaa ogalaasho .

Inkastoo hishiskiisa uu kordhiyay bishaan oo uu gaarsiiyay sanadka 2021-da hadana waxa ay Dortmund dareensan tahay in laacibkaas uusan aayihiisa ciyaaraha ku dhameysan doonin kooxdaas reer Jarmal.

6- Ozil : xaalkiisa waa kan saaxibkiisa Sanchez oo kale ,in uu kordhiyo hishiiskiisa waa diidan yahay waxa uuna xagaaga noqonaya laacib xor ah ,Barcelon ,Inter kooxo ay ku jiraan ayaa doonaya xilli kooxdii iibsata ee Champipon-pa ku jirta ay ka faa`ideysan karaan farsamadiisa maadaama xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Arsenal ku jirii Champion-ka

7-Harry Kane waa gool dhaliyaha sanadka 2017-da waxa uu saxiixay 52 gool waxa uuna hishiiskiisa dhacayaa 2022-ka balse Real Madrid ayaa si fog u eeganeysa saxiixiisa

8- Gonçalo Guedes waxa uu hanaan ciyaareed wacan kula soo muuqday xilli ciyaareedkaan kooxdiisa Valencia ,waxa ay kooxdaas reer Spain doonayaan in sanadka 2018-da toos ula wareegaan ka dib markii PSG ay ka soo kaxeyteen xiligaas oo aysan kula soo hishin in ay toos u iibsadeen

PSG waxa ay laacibkaas heleen kala wareeggii jilaaligii hore xiligaas oo ay Benfica kala soo wareegeen aduun dhan 30 milyan oo euro

9-Goolhayaha Atletico Bilbao ee Kepa Arrizabalaga waxa ay u badan tahay in uu u wareego Real Madrid , waxa ay kooxdaas caasimadda Spain ka dhisan ka geeyeen goolhayahaas dalab dhan 25 milyan oo euro si ay uga helaan hishiis 6 sano ah oo ay halkii xili ciyaareed ku siinayaan mushaar dhan 2.5 milyan oo euro

10- Icardu waa gool dhaliyaha horyaalka Italy ee xilli ciyaareedkaan wax auu leeyhaay 17 goolka dib 18 kullan , shakina kuma jiro in Inter uu ka heleelayo waxaana isha ku haya oo ugu cad Real Marid.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply