Warar Kale Oo Kasoo Cusboonaaday Dagaalkii Faraha Looga Gubtay Ee Dhex Maray Xiddigaha Man City & Man United

Wargayska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday murankii adkaa iyo gacan ka hadalkii dhex maray xiddigaha kooxda Man United iyo Man city kadib markii ay dhamaatay ciyaartii ku dhex martay garoonka Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Man city ayaa guul 2/1 ah ka gaartay kooxda Man United isaga oo ka dhigay dhibcaha ay hogaanka ku hayaan 11 dhibcood iyaga oo hal gacan ku sii qabsaday horyaalka.

Laakiin dagaalka iyo gacan ka hadalka ayaan dhamaan markii ay ciyaartu dhamaatay iyada oo ay xiddiguhu gacmaha isku saareen qolka labiska iyo intii ay ku sii socdeen qolka labiska.

Wargayska ayaa sheegay in uu Jose Mourinho xiddigaha Man city ugu tagay qolkooda isaga oo u sheegay in ay joojiyaan heesaha iyo dabaal dega ixtiraamna u muujiyaan kooxda ka soo hor jeeda.

Laakiin xiddigaha Man city ayayna cajibin sidii uu Jose Mourinho ula hadlay waxana ay bilaabeen in ay quraado ku soo tuuraan tababare Jose Mourinho.

Dagaalka iyo gacan hadalka ayuu dhex maray 20 xiddig oo ka mid ah xiddigaha labada kooxood kuwaas oo gacmaha iskula tagay.

Mourinho ayay ku dhacday quruurad ay ku jiraan caano oo ay xiddigaha City soo tuureen waxa uu sidoo kale dhaawac wajiga ah soo gaaray tababare ku xigeenka Guardiola ee Mikel Arteta kaas oo ay ku dhacday quruuradii la isku tuurayay.

Romelu Lukaku ayaa la sheegayaa in uu goolhayaha Man city oo Guardiola quruurad caano ku jiraan ku dhuftay in uu u jawaabay oo uu isagana ku dhuftay mid biyo ku jiraan.

Dagaalka ayaan halkaas ku joogsan ilaa ay ciidanka amaanka garoonku soo kala dhex galeen xiddigaha kooxda waliba iyaga oo ilaalo laga hayo xididgaha city gaarigooda la saaray.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply