War Cad : Wenger Oo U Gacan Haatiyay In Sanchez Uu Ka Huleelayo Kooxda Arsenal, Maxaa Soo Kordhay ?.

Tababare Wenger ayaa u gacan haatiyay suura galnimada ah in Sanchez uu ka huleelo kooxda marka uu suuqa kala wareeggga uu furmo bisha January

Wenger ayaa hoosta ka xariiqay in uusan ka welwelsaneyn guud ahaan in laacibkaas uu ka huleelo kooxdas inkastoo uu ka mid yahay sida uu hadalka u dhigay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda waqtigaan la joogo .

Hishiiska Sanchez ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxa uuna bilo ka hor diiday dhowr dalab oo hishiis kordhin ah oo loo soo bandhigay

Waxa uu Wenger xusay in sheekada bixitaanka Sanchez ay sii xoogeysan doonto saacadaha soo socda maadaama kooxda Arsenal dhankooda doonayaan in ay ka faa`ideystaan qarashaadka ka soo galaya Sanchez halka uu kaga huleeli lahaa qaab xor ah

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply