Thierry Henry ” Ciyaartooyda Arsenal Waa Ay Is Qilaafsan Yihiin , Cadeynta Arintaas-na Kulankii Crystal Palace Ayay Soo Baxday”.

Xiddigii hore Arsenal ee Thierry Henry ayaa hoosta ka xariiqay in uu jiro qilaaf ka aloosan qolka dhar badalashada Arsenal

Hadalka Thierry Henry oo haatan falaanqeye ka ah Sky Sport ayaa yimid ka dib kulankii xalay ee Arsenal 3/2 uga badiyeen Crystal Palace waxa uuna sheegay in cadeynta arintaas ay ku filan tahay dabaal deggii Sanchez ee goolkii 1-aad ee Arsenal

Wiilkaas reer Chile ayaa xalay guul 3/2 ah ku hogaamiyay Arsenal oo Crystal Palace la ciyaareysay kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee horyaalka Ingiriiska xilligaas oo uu Sanchez dhaliyay laba gool.

Goolkiisii 1-aad ayuu Sanchez dhaliyay daqiiqaddii 62-aad ka dib baas uu ka helay Lacazette balse xiddigo yar ayaa laacibkaas kala qeyb qaatay dabaal degga goolkiisa xilli kulanka uu markaas ahaa min hal gool waxaana ku horeeysay Arsenal oo uu daqiiqaddii 25-aad uu u dhaliyay Shkodran Mustafi.

Thierry Henry ayaa xusay in arintaas ay tahay cadeyn weyn oo muujineysa in qolka dhar badalashada Arsenal uu ka jiro qilaaf xooggan .

” Sanchez waxa uu ka codsaday in ay la dabaal degaan balse ma aysan sameyn sidaas” ayuu Thierry Henry ka yiri saxaafadda Ingiriiska

” Goolka kooxda dhan ayaa laheyd ma aheyn mid Sanchez uu leeyahay kaliya waa in ay ogaadaan ciyaartooyda kooxda si waliba oo uu qilaafka uu gaarsiisan yahay , arinatan mar hore ayaan dareensanaa balse kulankaan ayay wax waliba si cad iigu soo baxeen” ayuu sii raaciyay Thierry Henry

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply