Tababarihii Hore Ee Barcelona Ee Luis Enrique Oo Mar Kale La Midoobaya Neymar, Maxa Isku Keenaya

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku dhaw in uu mar kale la midoobo xiddiga reer Brazil ee Naymar sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska football.fr ayaa sheegaya in uu Luis Enrique heshiis afka ah la gaaray in uu tababare u noqdo kooxda PSG isaga oo shaqada ka badali doona tababare Unai Emery oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa bilowday in ay raadiso tababarihii ay ku badali lahayd tababaraha reer Spain ee Unai Emery kaas oo kooxda isaga tagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uuna kooxda gaarsiin meel fiican champions league.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda PSG u doonayso in ay Luis Enrique ugu magacawodo tababaraha cusub ee kooxda shaqsiyadiisa adag kuna aadan maamulida xiddigaha kooxda oo uu ugu horeeyo Neymar oo uu 3 xilli ciyaareed la soo shaqeeyay.

Luis Enrique ayaan wax shaqo ah haatan haysan tan iyo markii uu ka tagay kooxda Barcelona dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kaa soo kooxda Barcelona 3 xilli ciyaareed ku hogaamiyay 9 koob oo uu ka mid  ahaa champions league.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply