Sanchez Diyaar Ma U Yahay Kulanka Man United Ee Sabtida , Xog Cusub Ayaa Laga Helay .

Arsenal ayaa war wacan ka heshay diyaar ahaanshaha Sanchez ka hor kulanka beri ee ay la ciyaarayana kooxda Man United ee horyaalka Ingiriiska

Wiilkaas reer Chile ayaa ka qeyb galay tababarkii maanta ee kooxdaas ee ay ugu diyaar garoobayaan kulanka United

Sanchez ayaa la badalay kulankii arbacad ee ay 5-ta gool ku garaaeen kooxda Huddersfield waxa ayna dhacday arintaas daqiiqaddii 73-aad ka dib markii uu ka sheegtay xanuun dhanka muruqa bowdada ah sida uu sheegay tababare Wenger ka dib kulankaas

Sidaas oo tahay ma jiraan war laga hayo Wenger oo ku aadan in laacibkaas uu ku soo bilaabayo kulanakas adag ee United

Xilli Alexandre Lacazette isna dhaawac uu ku seegayo kulankaas ,Wenger waxaa loo badinayaa in Welbeck uu ku soo bilaabi doono kulankaas oo uu ka door bidi doono laacibka ay isku wadanka yihiin ee Olivier Giroud kaasi oo aan weli ku soo bilaaban kulan horyaalka ah illaa haatan

Comments

comments

Leave a Reply