Salah,Mane Mise Aubameyang? Xiddiga Ugu Cad-Cad In Uu Ku Guulaysto Abaalmarintan Xiddiga Ugu Fiican Africa Oo La Ogaaday

3-da xiddig ee u tartami doona xiddiga ugu fiican qaarada Africa ee ugu fiicnaa sanadka 2017 ayaa lagu dhawaaqay xilli ay ka mid yihiin 3 xiddig oo u tartamaya xiddigii ugu fiicnaa ee BBC-da sanadka 2017.

Xiddigaha kooxda weerarka uga ciyaara Kooxda Liverpool ee Mohamed salah,Sadio Mane iyo xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ah u tartamaya abaalmarintan.

Salah oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Africa ee ay BBC-du bixiso isaga oo ku garaacay labada xiddig ee Mane iyo Aubameyang.

Xiddiga reer Egypt ayaa qaab cajiib ah ku bilowday nolosha Anfeild isaga oo haliyay 14 gool 18 kulan oo horyaalka premier league uu ciyaaray.

Sadio Mane ayaa sidoo kale qaab cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan inkasta oo uu ku dhawaad muddo bil ah dhaawac ku seegay.

Aubameyang ayaa laftiisu ah xiddig ka mid ah xiddigaha ugu fiican yurub sanadihii ugu dambeeyay isaga oo ilaa haatan dhaliyay 13 gool 15 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha xiriirka Egypt ee Hany Abou Rida ayaa shaaca ka qaaday in mohamed salah ilaa haatan hogaaminayo tartanka Loogu jiro abaalmarintan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply