Ronaldo Oo Shaaciyay Shaqada Uu Qabanayo Marka Uu Ciyaaraha Ka Fariisto

Xiddiga Real Madrid ee Ronaldo ayaa daboolka ka qaaday waxa uu damacsan yahay marka uu ka fariisto kubadda cagta

 

Wargeyska Marca ayuu ka yiri ” haatan waxaan diiradda saarayaa shaqadeyda garoonka , waana ogahay in aan ciyaaraha ka fariisanayo balse ka hor waan ku sii raaxeysanayaa kubadda cagta”.

 

” Marka aan ka fariisto ciyaaraha waxaa ii jiraya nolol cusub oo aad u qurux badan taasi micnaheedu ma aha hantida aan leeyahay balse waxaa jiraya oo aan isku dayayaa sameynta wax yaabo cusub”

Waxa uu Ronaldo intaas sii raaciyay” tusaale waxaan wajahayaa dhanka Shineemada waxaan aan u jeclahay sameynta aflaanta”

Waxa uu laacibkas hore qiray in arintaas uu qorsheystay marka ay da`diisa u dhaxeysay 27 ilaa 28-ka

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply