Real Vs Dortmund : Madrid 8 Sano Ka Hor Ayaa Ugu Dambeeysay Guul Darro Ay Ku Qaabilaan Bernabéu Iyadoo Marxaladda Group-yada La Joogo

Dadka xiiseya kubadda cagta yurub ayaa isha ku haya kulanka caawa Real Madrid ay ku marti gilinayaan kooxda Dortmund ee wareegga 6-aad ee marxaladda Group-yada Champion-ka waana kulanka ugu dambeeyay ee wareeggaas .

Real waxa ay doonayaan in ay guul gaaraan kulankaas si booska 1-aad ee Group-kooda ugu soo baxaan halka Dortmund hjaminayaan in ay badiyaan si ugu soo baxaan Europe league iyaga oo ku soo baxaya booska 3-aad

* Xogta Kulanka

Dortmund waxa ay u baahan yihiin bar bar dhac ama guul si si ugu soo baxaan Europe league balse waana in kooxda APOEL Nicosia ku hor kufaan Tottenham.

* Real waxa ay Dortmund wajahayaan markii 10-aad 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, 6 ka mid ah waxa ay aheyd marxaladda Group-yada .

* Dortmund weli Real ugama badin garoonka Santiago Bernabéu iyadoo Champion-ka lajoogo waxa ayna kooxda reer Jarmal ku soo guul dareysteen halkaas 4 jeer halka laba jeerna ku soo galeen bar bar dhac

* Dortmud kaliya hal jeer ayay badiyeen 13-kii kullan ee ugu dmabeeyay ee ay booqdeen Spain waxa ayna aheyd xilli ciyaareedkii 1996/1997-dii waqtigaas oo ay soo garaaceen Atletico Madrid , ka dibna 7 kullan ayay ku soo guul dareysteen halka 5 jeerna ay ku soo galeen bar bar dhac .

* Real waa laga badiyay sedex kullan oo qeyb ka ah 32 kullan oo ay taraiikhda Champion-ka kaga hor tageen koox ka socda Jarmalka , waxa ay bar bar dhac galeen 5 jeer halka 24 jeerna ay badiyeen .

* Real waa badiyeen 32 jeer 38-dii kullan ee ugu dambeeyay Champion-ka sidoo kale loogama badan garoonkooda iyadoo la joogo marxaladda Group-yada Champion-ka waana guul daradii 3/2 aheyd ee AC Milan kala kulmeen October sanadkii 2009-kii halka ka dib ay guuleysteen 21 jeer waxa ayna bar bar dhac galeen sedex jeer

* Ronaldo waxa uu Dortmund ku leeyahay 8 gool oo Champion-ka ah halka laba gool uu ka dhaliyay labadii kullan ee ugu dambeeyey ee uu Dortmund kula soo ciyaaray garoonkooda Jarmalka

Comments

comments

Leave a Reply