Rasmi: Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Ousmane Dembélé Oo Maanta Si Toos Ah Ugu Soo Laabtay Tababarka Buuxa

Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay qolka daawaynta kadib markii la xaqiijiyay in maalinba maalinta ka dambaysa uu tababarka buuxa ku soo laabanayo xiddiga reer France ee Ousmane Dembélé kaas oo dhaawac ku muqanaa muddo 3 bilood ah.

Xiddigan reer France ayaa Barcelona ugu soo biiray isaga oo ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda kadib markii uu Dortumnd kaga soo biiray lacag dhan 145 milayn oo euro.

Laakiin xiddigan ayaa nasiib u yeelan in uu kulamo badan u ciyaaro kooxdiisa cusub isaga oo uu dhaawac halis ah soo gaaray kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowdo horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa maanta si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu xiddigan si buuxda ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda isaga oo maanta si caadi ah tababarka ula qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Xiddigan ayaa qaliin ka maray muruqa lugta bidix bishii Septembar waxana uu markii ugu horaysay tababarka buuxa ee kooxda ku soo laabtay maanta.

20 jirkan ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa bartamihii bishii September kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray kulankii Getafe oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee horyaalka ah ee uu ku bilowday shaxda Barcelona.

Comments

comments

Leave a Reply