Paul Pogba Oo Jose Mourinho U Sheegay Qaabka Uu Uga Badin Karo Man City, Xitaa Hadii Uuna Isagu Ciyaarayn Kulankaas.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa tababarihiisa u sheegay qaaka uu uga badan karo kooxda Man city marka ay Axada wada ciyaaraan kulanka Manchester Derby.

Kooxd Tababare Pep Guardiola ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku raaxaysanayasa horyaalka Premier league iyada oo badisay 13 kulan oo xiriir ah ka hor inta ayna booqan Old Trafford Axada.

Shaqada City ayaa u fududaatay kadib markii kaarka cas loo taagay Pogba taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka ugu muhiimsan labada kooxood ilaa haatan.

Mourinho ayaa lagu eedeeyaa in uu kulamada waaweyn ku soo galo shax daafac ah waxana la aaminsan yahay in uu si weyn isku ilaalin doono kulanka City gaar ahaan maqnaanshaha Paul Pogba.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer France aaminsan in ay kooxdiisu weerar qaado si ay Man City dusha uga saarto guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan.

“Waan u baahanahay”ayuu u sheegay saxaafada mar wax laga waydiiyay in ay United weerari doonto kooxda Man city kulanka Axada.

“Si aad guul uga gaarto kulamadaas oo akle waxa aad u baahantahay in aad wax walba soo bandhigto, waa in aad weerar qaado iyo waliba in aad daafacato”.

“Waa in aad ciyaarta disho marka aad fursada hesho maxaa yeelay City waa koox tayo leh waxana ay dili karaan ciyaarta wakhti kasta oo ciyaarta ka mid ah”.

“Waxa ay hogaanka u hayaan sabab, waayo waxa ay qabanayeen shaqo fiican ilaa bilowgii xilli ciyaareedka”

“Waxa ay sii wadayaan guulaha lagana badin maayo hal kulan sida iska cad maskax ahaan way u xoogan yihiin”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Comments

comments

Leave a Reply