Mourinho Oo Lagu Weeraray Qolka Dhar Badalashada Man City ,Waliba Caag Biyo Iyo Caano Ayaa Lagu Soo Tuuray ,Waa Qofma Xiddiga Sidaas Sameeyay?

Tababare Jose Mourinho ayaa xalay jiiray qolka dharbadalashada Man City ka dib markii uu dhamaaday kulankii ku dhex maray qalcadda Old Trafford

Man City ayaa xalay kooxdaas United waxa ay ka soo gaareen guul laba gool iyo halah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 16-aad ee horyaalka

Daily Star ayaa sheegeysa in Jose uu ku adkeystay in uu galo qolka dhar badalashada ee ay City ku jireen si uu uga codsado in ay muujiyaan ixtiraam ayna hoos u dhigaan shanqarta Music-da ay ku dabaal dagayeen ka dib guushii ay gaareen

Waxa uu wargeyskaas sheegayaa in Jose ay dood xooggan isla galeen goolhayaha City ee Ederson oo ay isku weerareen luqadda Portuqiis-ka xilli golhayahaas reer Brazil uu ugu damabeyn koob biyo ah uu ku soo tuuray macalin Jose Mourinho

Daily Star waxa ay sheegeysa sidoo kale in ciyaartooyda United iyo City ay isku fara saareen luuqa loo maro qolka dharbadalashada ee garonka Old Trafford.

Sababta isku dhacaas keentay ayaa lagu sheegay ciyaartooyda City oo sameeynayay dabaal deg degyo daan-daansi ah taasi oo ka careysiiyay ciyaartooyda United

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply