Michael Essien Oo Shaaca Ka Qaaday Hal Arin Oo Sababi Karta In Uu Hazard Ku Biiro Real Madrid.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee Michael Essien ayaa fariin digniin ah u diray kooxdiisii hore ee chelsea kuna aadan mustaqbalka xiddiga garabka ka ciyaara ee Eden Hazard kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid todobaadyadii ugu dambaysay.

Hazard ayaa ka mid ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta caawa la bixin doono laakiin lama filayo in uu ku guulaysto abaalmarinta.

Xiddiga ayaa ka mid ah 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta taas oo si weyn ay ugu tartamayaan xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Wargayska Express ayaa shaacisay waraysi uu Michael Essien ku sheegayo in abaalmarinta Ballon d’Or-ku tahay sababta uu Eden Hazard  uga tagi doono chelsea kuna biiri doono kooxda Real Madrid.

Michael Essien oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Waxa uu tagi karaa Real Madrid hadii uu doonayo in uu ku guulaysto Ballon d’Or-ka”.

“Hazard waa xiddig fiican waxana aanu yeelanay wada sheekaysi badan”ayuu yir.

Hazard ayaa dhawaan diiday in uu heshii cusub u saxiixo kooxda chelsea taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegay in uu xiddigan wadahadal la qaatay tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane/

Comments

comments

Leave a Reply